Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2015

Dersiga Nolasha iyo Dardaaranka Darbi-jiifta

Xassan waa wiil da’a yar waxay hooyadii geeriyootay isaga oo 5 bilood ifka jooga, aabbihii waxuu ku nool yahay magaalada Hargeisa waana qaadle. Xassan waxaa gacanta ku haysay ayeeydii hooyooo iska cad ah, marka laga reebo saddex dumara oo u habaryar u ah, kuwaas oo reero leh.Mid kamida ayaa dibada jirta oo usoo dirta biilka xassan iyo ayeeydii. Muddo afar sanno ah markii xassan ayeeydii la silicday waay cuslaatay, waana tamardaraysay. Markii ay dareentay in ay siisocoto “waayel wadki iwaa yaaqne”waxay go'aansatay in ay inanka (Xassan) ku wareejiso korniinkiisa aabbihii, waayna u gaysay sidiina kugeeriyotay. Xassan waa lix jir, xoog iyo qurux isku darsaday.waa wiil ciyaar badan oo farxaana nasiib darase, Aayadi ayaa noqotay mid ka xumaatay korniinka Xassan la siiyay.Collaadin dheer waxay Xassan kudirtay aabihii oo nacsiisay.Isna kama caqli badane caanan, iyo cadho ciil kula dul dhacay xassan. Daryeel la'aan iyo durxumo badan iyo dilma joogta ah markuu u adkays...