Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2015

Qalin qiima dhacay!

Wakhtigan casriga ahee la joogo waxaa la yidhaa waa wakhtigii horumarka iyo ilbixnimada maanta aduunyadu waxay maraysa in la yidhaa waa hal tuulo amahal xaafad oo kale( global village ) waxaana keenay horumarka laga gaadhay aqoonta iyo teknoolijiyada casriga ah.  Inagoo og muhiimada waxbarashadu ama taclintu u leedahay aadamaha waxaan odhan karna   waxbarashadu waa halbeega lugu cabiro marka la eegayo   bulsho horumarkeed haday tahay xag dhaqaale iyo maamul iyo xag bulshaba waxaa la eega heerkay tacliinta ka gaadhayn. waxbarashadu waa mid ka mida halbeega(tools)Aad ku badeli karto qofnimadada iyo qoomiyadada iyo qarinimadada, waana shay ku sahlaya in aad si fudud ula jaan qaado dhammaan qaybaha kala duwan bulshadda. Waxaan ognahay tacliintu qiimaha ay leedahay in (RABI) kooreye inoogu sheegay quraankayna kariimka ah “miyay siman kuwa wax bartay iyo kuwa aan waxba baran” markaa waxbarashadu muhimad gaara ayay inoo leedahay diiniyan. Haddaba marka la eego...