
Xassan waa wiil da’a yar waxay hooyadii geeriyootay isaga oo 5 bilood ifka jooga, aabbihii waxuu ku nool yahay magaalada Hargeisa waana qaadle. Xassan waxaa gacanta ku haysay ayeeydii hooyooo iska cad ah, marka laga reebo saddex dumara oo u habaryar u ah, kuwaas oo reero leh.Mid kamida ayaa dibada jirta oo usoo dirta biilka xassan iyo ayeeydii.
Muddo afar sanno ah markii xassan ayeeydii la silicday waay cuslaatay, waana tamardaraysay. Markii ay dareentay in ay siisocoto “waayel wadki iwaa yaaqne”waxay go'aansatay in ay inanka (Xassan) ku wareejiso korniinkiisa aabbihii, waayna u gaysay sidiina kugeeriyotay.
Xassan waa lix jir, xoog iyo qurux isku darsaday.waa wiil ciyaar badan oo farxaana nasiib darase, Aayadi ayaa noqotay mid ka xumaatay korniinka Xassan la siiyay.Collaadin dheer waxay Xassan kudirtay aabihii oo nacsiisay.Isna kama caqli badane caanan, iyo cadho ciil kula dul dhacay xassan.
Daryeel la'aan iyo durxumo badan iyo dilma joogta ah markuu u adkaysan wayay xassan waxuu naftiisa u go’aamiyay in uu isaga haajiro gurigan aabbihii. Xassan waxa uu naftiisa kool-koolinta iyo kobaca lugu soo koriyay uu kaga aaminay, Ay’da, cidlada iyo bahalka dooxa kunool. Markii uu nolashii raaxada lahayd uu kasoo dhex baxayna waxaa loo bixiyay magac cusub,oo ah "Xabagle” isaga oo kago'ay qoyskii aabihii kuna biiray qoys cusub oo la yidhaa “Darbijiif” baaba’a nolasha, qanaca iyo quusta uu iska taagay darteed waxuu isticmalaa isbiirto. Taas oo isku ilowsiiyo wakhtiga adag ee ku jiro iskuna ilowsiiyo werwerka iyo walbahaarka haysta, si aanu naftiisa u haalagin una cadaabin.
cid kadaba timid xassan oo soo baadi doontay ma ay jirin. Taasina waxay isaga ku hurisay dab iyo kulayl iyo cadaawad ah, oo uu qabay waalidkiisii daryeeli waayey.
Isaga iyo koox ku jiraa waa kuwaa, buundada(biirika) hoosteeda ku seexda cawda iyo bacaha la qubo, wakhtiyada badankooda waa la col, sida roobabowga, dhaxanta iyo xiliyada kulaylaha waayo! Ma haystaan gabood iyo gaashaan ay isaga celiyaan.
Derbi-jiifku waxay u nogol yihiin, halisna ugu jiraan xaanunada.Waxa kale oo ay diif badan ku qabaan gaajada, badanaa marka ay ugu fiican yihiin waa marka sedexda wakhti hal wakhti helaan, hanbo kasoo hadhay hudheelada, marxaladdaha uu ka maro markuu cuntada raadiniyo, xassan maaha mid la qiyaasi karo.
Mar faraxal ayaa lugu shubaa, marna biya beela, marna dhankad ayaa lugu eryadaa. sidoo kale waxay dhibi ka qabsataa hu’isticmaalida. Wiilkii yaraa ee la ilaalin jiray, wiilkii yaraa ee farxaanka ahaa, wiilkiii yaraa ee ciyaarta badnaa, wiilkii yaraa ee sida fiican loo koriyay ee quruxda badnaa, willkii yaraa ee lugu magacaabi jiray Xassan, manta wuu xumaaday, wuuna cadho iyo fikir batay, wuuna cunto iyo xanaano dareeyay, wuu fool xumaaday oo nabarada wajagiisa ku yaala waad ka argagaxaysaa. Magacasina waxaa la yidhaa “Xassan Xabagle”
Saddex goor wuu xanuunsaday, mar hargab xun ayaa asxaabtisi iyo qaadhabkii ka reebay. Mar nabar xoogan ayaa madaxa kagaga dhacay oo aad buu u dhiigbaxay, una sakaaraday, marna gaastari ayaa ku dhacay oo bes buu la gaadhay.
Xassan maanta cid aan Allle ahayn ma haysto, balan-balna wuu dhamaaystay. Laakin dardaarinkiisa nolasha ayaa ah “hadii aan helo nolol leh daryeel,dulqaad danayn iyo diif-tir waxaan rajeenaya in aan ka mid noqdo kumanaanka nolasha ku guulaysta”
Xassan iyo inta la midka ah waxa cadaawad ba’an ku haysaa dhaxanta bishan Jenaawari, taasoo fiidka gaysaa inta hoyga leh guryahooda, inta kalena meelaha ku laalabta. Xassan waxuu ku jira inta kolayada qaadka naasibka u yeelatay, ee gaboodka ka dhigita baaqa uu diriyaa waa helidda daryeel bini’aadanimo iyo danayn walaaltinimo, inta diirka leh waxaan ka codsanaynaa in ay hoos noo fiiriyaan. Annagu ma nahin ajaanib ma nahin dad meelo kale ka yimid ee waxaanu nahay ilmaadeeradiin, walaaladiin, ilma’abtiyaashin iyo habrawadaagyadiin, waxaan idinka rabnaa daryeel saaxibtinimo, mid walaalnimo, mid muslinimo iyo mid alle dartiiya.
"Inta naga dhimita wakhtiyadani cadad male, inta naga xaanusta ee daryeel li’ u nafbaxda tiro male, kaliya waxaa is caawiya inta wax haysata Sheekh iyo shariifba,dowladdayadu maaha mid dananysa dan'yarta oo maalin walba waxaanu aragnaa derbi la dhisaayo. Annagana aan nala daryeelayn.
Marka xisibiyada lugu bixiniyo lacagta cadadka badan,marka buuqa iyo xasarada iyo qaylada nala galinaayo daryeelkaga laga ma fikiro, laakin marka waxqabad sheeganayaan, nugu ma soo daraan. Taasina miyaanay ahayn danayn la'aan?"
Qoraa, Khaalid Ibraahim Cali

Comments
Post a Comment