Skip to main content

Qalin qiima dhacay!




Wakhtigan casriga ahee la joogo waxaa la yidhaa waa wakhtigii horumarka iyo ilbixnimada maanta aduunyadu waxay maraysa in la yidhaa waa hal tuulo amahal xaafad oo kale(global village) waxaana keenay horumarka laga gaadhay aqoonta iyo teknoolijiyada casriga ah. Inagoo og muhiimada waxbarashadu ama taclintu u leedahay aadamaha waxaan odhan karna  waxbarashadu waa halbeega lugu cabiro marka la eegayo  bulsho horumarkeed haday tahay xag dhaqaale iyo maamul iyo xag bulshaba waxaa la eega heerkay tacliinta ka gaadhayn.


waxbarashadu waa mid ka mida halbeega(tools)Aad ku badeli karto qofnimadada iyo qoomiyadada iyo qarinimadada, waana shay ku sahlaya in aad si fudud ula jaan qaado dhammaan qaybaha kala duwan bulshadda.
Waxaan ognahay tacliintu qiimaha ay leedahay in (RABI) kooreye inoogu sheegay quraankayna kariimka ah “miyay siman kuwa wax bartay iyo kuwa aan waxba baran” markaa waxbarashadu muhimad gaara ayay inoo leedahay diiniyan.


Haddaba marka la eego 25kii sano ee u danbeeyay dadka reer Somaliland waxay samayeen koboc badan oo xagga aqoonta ku salaysan, balse waxaan la dafari karin dhibaatadda inaga haysta aqoonta noqotay bilaa tayada. Waxaad arkaysaa sannad walba arday faro badan oo kasoo qalin jabinaysaa jaamacadaha dalka kuwaas oo aan aqoon fiican iyo waaya aragnimo wanaagsan lahayn, dhibataadana waxay keentay in qof lix toban sano wax soo baranayay anfici waayo naftiisi iyo qoyskiisi waana sababta keentay in dhalin yaro badani shaqo beelan, dabadeedna badaha iskugu guraan iyagoo raadinaya mustaqbal ka fiican kan ay dalkooda hooyo ka waayen.


Waxaana keenay dhibataadan (poor education system) oo ah nidaamka waxbarasho ee dalku liito, tana waxaa  sabab u ah seddexdan qodob;
1)      In lay noo dajiyay  nidaam waxbarasho (curriculum) oo lugu soo samayay dalka Kenya kaas oo an ka turjmayn waaqiciga waxbarasho ee dalkeena, manhajkan waxbarasho waa mid u bahaan dib u eegis iyo wax ka badalid.

2)      Waxaan jirin (national policy of education) siyaasad guud oo ku salaysan waxbarashada dalka, haday jirto waxay keeni lahayd in dib loo eego nidaamka waxbarasho ee dalkeena, ama in laga fikiro sanad walba waxaa soo qalin jabiniya jaamacadaha iyo dugsiyada saredalkaardaykumaankun ah, maxaaqorsheinoogayaala.

3)      Waxbarashada oo noqotay (main income source)iyadoo cid waliba furanayso iskuulo iyo jamaacado gaar loo leeyahay iyaga oo ka dayaya ujeedo ganacsi, tana waxay keentay dhibaato wayn, waxana fudud in qof kasta macallin si fudud ku noqdo isaga oo aan aqoonteedi iyo waayo-aragnimadedi lahayn.sidoo kale aanay jirin guddida daba galka taclinta.

 Tana waa mid waji gabax ku ah nidaamkeyna wabarasho ee inoo dajisan
Ugu danbayn waxaa loo baahan yahay in la isaga yimaado nidaamkayna si dib u eegis loogu sameeyo qaabka loo dajiyay manhajka waxbarashadda ee dalka.  

Anigu shakhsiyan waxaan soo jeedin lahaa in aan nidaamkeena waxbarasho guud ahaan badelno tusaale ahaan in aan qaadano nidaam (New system of education) kaas oo ah in aradayga dugsiga hoose dhexe uu ku qaato mudo todaba sano ah, halka aradayga dugsiga sare ku jira uu isna kuqaatomuddoseddexsano ah. Kabacdi ardaygi isu diyaariyo mudo laba sano ah uu qaato(vocational schools) oo ah iskuul ardayda lugu baro xirfadaha kal duwan, ama (national service institute) in laga furo mahadkan dhammaan goballada dalka, oo arday kasta is diwaan galiya. ka bacdi markuu ka qalin jabiyo loo ogaalado in jaamacadaha dalka galo, diyaariyana takhasus u gaara. sidoo kale la xadido nidaamka jamacadeed ee dalkeena, iyo kuliyadaha ay bixiyaan si loo gaadho hadafka guud oo ah in umadaninoqoto mid kamadax banaan cudarada waaweyn ay ka mid yihiin, musuqmaasuqa, cadalaaddarada, siyaasadxumida, dhaqaalela,aanta, faqriga, hogaanxumida, qabyaalada. 

Dhammaan cudaradan waxaa keena jahliga, jahligunawaa mid kamida waxyaabaha u diida bulsho inay horumarto xaga siyaasada, dhaqaalaha iyo xaga bulshaba.Waxanan kaga bixi karnaa inoogu xoojina aqoonta qaybaheeda kala duwan.

W/q:  Khalid  Ibrahim (khaalidarjun)
Email. khalidibrahami@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

xarfaha magacyada somaligu macnaha ay ka turjimiyaan

    Wax badan ka Ogoow shaqsiyadaada adigoo ka eegayaa xarafka ugu horeeyo ee Magacaaga uu ka bilaawdo!! ---------------------------------------------------------------------------------------- Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Xarfaha ay ka bilowdaan Magacyada lala baxo iyadoona Magac kasta loo fasiray Xarafka ugu horeeyo . Xarafka ugu horeeya xarfaha ayaan kabilaabeena kasoo ah xarafka (A) :- Waxaa soo hoos galaya Xarafka A magacyo badan oo ay ka mid yihiin:-Axmed, amiir, asma,amina,aasiya,ayman,ayuub iyo magackasta oo ka bilawda xarafka (A) waxaana lagu sheegaa dadkaasi in ay yihiin dad ku wanaagsan asxaabtooda dabeecadoodana waa mid dagan taxadar badana leh wa dad furfuran edeb leh dadkana kula dhaqma si xushmad iyo wanag badan ay ku jirto, Lakiin ceebtooda aya waxa ay tahay waxaa ku yar sabarka waxey u deg degaan sugida natiijo kasto oo meeli ay ka filanaayeen wa dad lax jeclesta waxyaabaha qaar(kaligood isla doona) waxaana ku waajib ah in ay o...

HOW TO ADDRESS FOOD-SUSTAINABILITY CHALLENGES IN SUB-SAHARAN AFRICA

Despite its huge agricultural potential, Africa spends around US$35bn each year on food imports. This number may rise above US$110bn by 2025 due to rapid population growth, changes in dietary habits and the increasingly severe impacts of climate change. The lack of food sustainability, as well as food and nutrition insecurity in sub-Saharan Africa, is likely to aggravate unless bold action is taken on six key issues. The need to boost farming productivity First, smallholder farmers’ productivity has to rise significantly, as a large majority of Africans rely on agriculture for their livelihoods. African crop yields are amongst the lowest in the world due to poor seeds and degraded soils, a lack of fertiliser and other essential inputs, and insufficient mechanisation and transport infrastructure. A shift from farming as a subsistence activity to farming as a business is needed and has to be matched with the right set of policies, institutions and investments. Encou...