Wakhtigan
casriga ahee la joogo waxaa la yidhaa waa wakhtigii horumarka iyo ilbixnimada
maanta aduunyadu waxay maraysa in la yidhaa waa hal tuulo amahal xaafad oo
kale(global village) waxaana keenay
horumarka laga gaadhay aqoonta iyo teknoolijiyada casriga ah. Inagoo og muhiimada waxbarashadu ama taclintu u
leedahay aadamaha waxaan odhan karna
waxbarashadu waa halbeega lugu cabiro marka la eegayo bulsho horumarkeed haday tahay xag dhaqaale
iyo maamul iyo xag bulshaba waxaa la eega heerkay tacliinta ka gaadhayn.waxbarashadu waa mid ka mida halbeega(tools)Aad ku badeli karto qofnimadada iyo qoomiyadada iyo qarinimadada, waana shay ku sahlaya in aad si fudud ula jaan qaado dhammaan qaybaha kala duwan bulshadda.
Waxaan ognahay tacliintu qiimaha ay leedahay in
(RABI) kooreye inoogu sheegay quraankayna kariimka ah “miyay siman kuwa wax
bartay iyo kuwa aan waxba baran” markaa waxbarashadu muhimad gaara ayay inoo
leedahay diiniyan.
Haddaba marka la eego 25kii sano ee u danbeeyay
dadka reer Somaliland waxay samayeen koboc badan oo xagga aqoonta ku salaysan,
balse waxaan la dafari karin dhibaatadda inaga haysta aqoonta noqotay bilaa
tayada. Waxaad arkaysaa sannad walba arday faro badan oo kasoo qalin jabinaysaa
jaamacadaha dalka kuwaas oo aan aqoon fiican iyo waaya aragnimo wanaagsan
lahayn, dhibataadana waxay keentay in qof lix toban sano wax soo baranayay
anfici waayo naftiisi iyo qoyskiisi waana sababta keentay in dhalin yaro badani
shaqo beelan, dabadeedna badaha iskugu guraan iyagoo raadinaya mustaqbal ka
fiican kan ay dalkooda hooyo ka waayen.
Waxaana keenay dhibataadan (poor education system) oo ah nidaamka waxbarasho ee dalku liito,
tana waxaa sabab u ah seddexdan qodob;
1) In
lay noo dajiyay nidaam waxbarasho (curriculum) oo lugu soo samayay dalka
Kenya kaas oo an ka turjmayn waaqiciga waxbarasho ee dalkeena, manhajkan
waxbarasho waa mid u bahaan dib u eegis iyo wax ka badalid.
2) Waxaan
jirin (national policy of education) siyaasad
guud oo ku salaysan waxbarashada dalka, haday jirto waxay keeni lahayd in dib
loo eego nidaamka waxbarasho ee dalkeena, ama in laga fikiro sanad walba waxaa
soo qalin jabiniya jaamacadaha iyo dugsiyada saredalkaardaykumaankun ah,
maxaaqorsheinoogayaala.
3) Waxbarashada
oo noqotay (main income source)iyadoo
cid waliba furanayso iskuulo iyo jamaacado gaar loo leeyahay iyaga oo ka dayaya
ujeedo ganacsi, tana waxay keentay dhibaato wayn, waxana fudud in qof kasta
macallin si fudud ku noqdo isaga oo aan aqoonteedi iyo waayo-aragnimadedi
lahayn.sidoo kale aanay jirin guddida daba galka taclinta.
Tana waa mid waji gabax ku ah nidaamkeyna wabarasho ee inoo dajisan
Tana waa mid waji gabax ku ah nidaamkeyna wabarasho ee inoo dajisan
Ugu danbayn waxaa loo baahan yahay in la isaga
yimaado nidaamkayna si dib u eegis loogu sameeyo qaabka loo dajiyay manhajka
waxbarashadda ee dalka.
Anigu shakhsiyan waxaan soo jeedin lahaa in aan nidaamkeena waxbarasho guud ahaan badelno tusaale ahaan in aan qaadano nidaam (New system of education) kaas oo ah in aradayga dugsiga hoose dhexe uu ku qaato mudo todaba sano ah, halka aradayga dugsiga sare ku jira uu isna kuqaatomuddoseddexsano ah. Kabacdi ardaygi isu diyaariyo mudo laba sano ah uu qaato(vocational schools) oo ah iskuul ardayda lugu baro xirfadaha kal duwan, ama (national service institute) in laga furo mahadkan dhammaan goballada dalka, oo arday kasta is diwaan galiya. ka bacdi markuu ka qalin jabiyo loo ogaalado in jaamacadaha dalka galo, diyaariyana takhasus u gaara. sidoo kale la xadido nidaamka jamacadeed ee dalkeena, iyo kuliyadaha ay bixiyaan si loo gaadho hadafka guud oo ah in umadaninoqoto mid kamadax banaan cudarada waaweyn ay ka mid yihiin, musuqmaasuqa, cadalaaddarada, siyaasadxumida, dhaqaalela,aanta, faqriga, hogaanxumida, qabyaalada.
Dhammaan cudaradan waxaa keena jahliga, jahligunawaa mid kamida waxyaabaha u diida bulsho inay horumarto xaga siyaasada, dhaqaalaha iyo xaga bulshaba.Waxanan kaga bixi karnaa inoogu xoojina aqoonta qaybaheeda kala duwan.

W/q:
Khalid Ibrahim (khaalidarjun)
Email. khalidibrahami@gmail.com

Comments
Post a Comment