Skip to main content

xarfaha magacyada somaligu macnaha ay ka turjimiyaan


 

  Wax badan ka Ogoow shaqsiyadaada adigoo ka eegayaa xarafka ugu horeeyo ee Magacaaga uu ka bilaawdo!!
----------------------------------------------------------------------------------------

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Xarfaha ay ka bilowdaan Magacyada lala baxo iyadoona Magac kasta loo fasiray Xarafka ugu horeeyo .

Xarafka ugu horeeya xarfaha ayaan kabilaabeena kasoo ah xarafka (A) :-

Waxaa soo hoos galaya Xarafka A magacyo badan oo ay ka mid yihiin:-Axmed, amiir, asma,amina,aasiya,ayman,ayuub iyo magackasta oo ka bilawda xarafka (A)
waxaana lagu sheegaa dadkaasi in ay yihiin dad ku wanaagsan asxaabtooda dabeecadoodana waa mid dagan taxadar badana leh wa dad furfuran edeb leh dadkana kula dhaqma si xushmad iyo wanag badan ay ku jirto,

Lakiin ceebtooda aya waxa ay tahay waxaa ku yar sabarka waxey u deg degaan sugida natiijo kasto oo meeli ay ka filanaayeen wa dad lax jeclesta waxyaabaha qaar(kaligood isla doona) waxaana ku waajib ah in ay ogaadan jaceylka in uu aas aasi u yahay nolosha insaanka maxaayeelay arintaasi wax muhiimad ah ma siiyaan.

Xarafka (B) waxaa ka mid ah magacyo badan sida:- bilan, , bahaad, bahjo, bushro balqiis, burhaan, bara’a iwm

Waxa lagu tilmaama in ay yihiin dad Romance ah (jaceylka wax ka yaqaano) waxaana quluubtooda buuxisay jaceylka dadka ka agdhow sida eheladooda saaxiibadooda iyo qofkii uu kala dhexeeyo xiriir waxa ay wanaajiyaan dareenka dadka waxa uu ALLE ku maneestay dulqaad iyo awood ay ku xanbaaran dhibaatooyinka qaar ee soo wajaho

Xarafkka(T) sida Tamir Timiro iwm

Waa dad intaba badan jecel ma talaada iyo waxyaabaha aan jirin farxada noloshooda ayey ku dadaalaan waa dad waqtigooda inta badan cariiri uu yahay waxa ay ilaaliyaan qofkasta oo xirir u kala dhexeeyo.

Wax muhiimad ah masiiyaan dadka uu magacoodu ka bilaawdo xarafkaa T naseexooyinka(la talinta) la siiyo.

Xarafka (J) sida Jamaal, jamiilo, juweeriyo, jowhar, jaamac, iwm

Waa dad ay kugu adkaaneeso ka dhaadhicintooda waxkasto oo iyaga ku cusub ama arin ay raadinayeen dhamestirkeeda sida (aflaamta) waxa ay jecel yihiin musigada.

Dadka wata Magaca J Waa dad shaki badan waxana u shakigaas saameyaa noloshoda sida go’aamadooda doorashooyinkooda wa dad dusha u dhigta qaadina kara mas’uuliyada saaran

Xarafka(X)xasan xuriyo xaamid xayaat,xafso,xanan,xamdi Iwm

Waxaa lagu shegaa xarafkan (X) in uu xarfaha kale waxyaabo badan kaga gadisan yahay uuna yahay xaraf xornimo nolol jaceyl kuleel ka turjumaayo waxaad soo qadata qalin iyo warqad waxaadna qortaa kalmad qiyaali ah oo ka bilaabaneeso xarafkaan waxaad kala kulmeesaa wax aad la yaabto,

Dadka xanbaarsanna waxa lagu fasiraa in ay yihiin dad jecel xoriyad wa dad wax qabad badan waxaase ay tahay ceebtooda mahan dad u sabra dhibaatooyinka iyo qadarta ALLE

Xarafka (kh) khaalid, khadiija iwm

Waxaa lagu tilmaama in ay yihiin dad wanaagsan soona dhoweysta asxaabtooda isla waqtigaasna muujiya taxadar wa dad leh hadaf iyo waxyaabo ay si gooni ah u daneynayaan waxaana ay qabtaan howl kasta oo soo wajaho gaar ahaan ragga waxaa la shegaa in ay yihiin kuwo qaab dhismeedka jirkoodu uu wanaagsan yahay waxaana ay aad u jecel yihiin dumarka dhiigoodu waa qafiif shaqsiyadoodana waa mid adag

Xarafka (D) Dahabo, diini, daahir,dalmar iwm

Waa dad waxyaabaha qaar aad isaga difaaca waxa ay inta badan dul dawaafaan arimaha jaceylka arigtida ugu horeysa ayey wax ku jeclaadaan

dadka wata magaca ka bilowda Xarafka D muhiimad masiiyaan nafsadooda waxa ay ku dadaala mida dadka kale ,wa saxiib wanaagsan haddii ad ku guuleesatid helida kalsoonidooda ma dhici doonto in aad hesho saxiib ka wanaagsan lakiin ceebtooda ayaa ah in ay aad u daneeyaan qofka ay jecel yihiin oo kaliyah mana siiyan wax muhiimad ah qofka iyaga jecel taasina maahan mid uu ku qanco qofka marka jeclaa

Xarafka (DH) xarafkaan sida uguma badna magacyada dadka loo bixiyo gaar ahaan soomaalida inkasto ay jiraan sida DHUUX, DHIMBIL iwm

Waa dad nasiib badan awoodana hal waqti in ay qabtaan howlo badan ceebtoodase ah in aysan xafidin waxyaabaha ugu badan e ay dhibaatada ugu imaato

Xarafka(R) raxmo,riyaan, ruqiyo, rajab, ruun iwm

Waa dad asluubtoodu ay wanaagsan tahay waxa ay raadiyaan markasta guusha wa dad an ku shaqeeynin waxa u dareenkooda siiyo ee waxa ay lakaashadaan caqligooda.

waxa ay inta badan ku raaxeestaana waxyaabaha uusiiyo caqligooda furfuran waxa ay qaataan fikradaha dadka kale xittaa haddii ay tooda lamid aheyn

Xarafka (S)Sihaam, samiira, suheyb, salwa, sayid, saalax iwm

Waa dad jecel in ay dadka kulmiyaan sababkasta iyo sikastaba ha ahaatee ma jecla kalinimada iyo in la ogaado xiriiradooda waa dad dhimrin badan saaxiibo ah aabe ah hooyo ah dareena badan waxa laga yabaa erey iska caadi ah in uu saameeyo ama dhib ku noqdo

Xarafka(SH)shaakir, shamso, shuceyb, shukri iwm

Culimada iyaguna waxa ay ku tilmaamaan in ay yihiin dad inta badan ilaaliya arimahooda u gaarka ah qofkii isku dayaana in uu u dhowaado wax u qaas ah waxa u kala kulmaaya jawaab adag shaqsiyadooda iyo ilaalintoodaba waa mid ay aad u adag tahay.

Xarafka(C) cumar caamir cabdi cusman caasho iwm

Waa xarafka ugu badan magacyada ay Soomaalida ay la baxaan wa dad u naxariista dadka dhibaateesan jaceylkoodu wa mid sinaasho ah waxa ay jecel yihiin in ay dadka ay u kala xukmiyaan si wanaag iyo cadaaladi ay ku jirto, waa dad aan ceebtoodu badneen inkastoo ay yihiin dad is difaaca waxkastoo ay ku jiraanba.

Xarafka(G) galad guhaad guuleed geedi iwm

Xarafkaan siyaabo kala duwan ayaa loo fasiraa waana dad qariya sirta saaxiibadooda waxaana ay caburiyaan qofkasta oo ka hor imaado fikirkooda

Xarafka(F) Fartuun, fahmo, fowsiyo,fardowso,faarax,fahad,fariid, fa’iso iwm

Waxaa lagu asteeyaa dadkaani in ay yihiin kuwo aan fikirka iyo wax raadintaba ku dheeraan ceebtoodana waxa ay tahay waxa ay xukmiyaan waxa muuqdo

waxa ay lacagta inta badan ku qarash gareeyaan labiskooda

Xarafka(Q) qamar, qusey, Qaasim Iwm

Waa dad har uu u yahay aqlaaq wanaaga geesiyaalna ah ,lakiin waxa ay ceebtoodu tahay ma arkaan waxa ay heestaan ee tan dadka kale ayey u jeedaan iskalama weynaadaan qaladkooda ee wey qaataan

Xarafka(K) kaamil, kaafi, kariim iwm

Inta badan magacyadaan si mutuxan loolama baxo ee waxaa lagu daraa ama lagu lamaaneeyaa (cabdi) wa dad jaceylkooda ka gaaro go’aan dareenkooduna uu badan yahay waxana ay ku wanaagsan yihiin arimaha ganacsiga, wa dad geesiyaal ah ilaaliyana amaanada wa dad karaameen badan lakiin aan ku dhaqaaqin.

Xarafka(L)liibaan,ladiif ,leylo, iwm

Waa asxaab u saxiib ah arimaha jaceylka ama(Romantic ah) wa dad wanaag badan aadna uu u shaqeeyo caqligooda waxa ay ku dadaalaan barashada luuqadaha kale

Xarafka(M) maxamuud, mustafe, maxamed,muna, maariya, iwm

Waa xaraf uu aad ugu fudud yahay dhihidiisa ilmaha oo waxa ay ka bilaabaan (mama) waxaana lagu qeexa dadka u ka bilaawdo xarafkan magacoda in ay yihiin (Romance) xishood badan naxariis badan waxana ay ku dadaalaan waxkastoo wanaagsan sidaa oo ay tahay hadana si fudud uguma qancaan, ceebtoodase waxaa lagu sheegaa in ay tahay is hortaagid(lid,diidmo badan) sido kale wa dad isla jecel waxyaabaha qaar

Xarafka(N) nasiyo, nuuro, nasra, nafisa,nuur,nuux,naciima,nadiifa iwm

waa xarafkii uu ALLE ku dhaartay qowlkiisa kariimka ah waana suuratul (qalam) ,waa dad uu xabadkoda(sadrigooda )si qiyaali ah u weyn yahay ogna dabeecadooda waxa ay tahay ooyintooduna wa ay dhow dahay waxa ay rumeesan yihin xuriyada waana dad inta badan is difaaca (qoraa sare Nafisa hashi ali)

Xarafka(W) waliid,warsame, Warda iwm

Waaxa lagu qeexaa iyana in ay yihiin dad caqligooda uu wax soo saro waxaana ay ku wanaagsan isku xirka iyo macluumaadka arimaha bulshada

Xarafka(H) waxa inta badan lagu dabaqa in uu la micno yahay xarafkii aan kor kusoo sheegnay ee ahaa (A)

Xarafka(Y)Yasmiin, Yaasiin ,yoonis,yaasir,yusra iwm

Xarafka Y oo ah midka ugu danbeya xarfaha ayaa waxa lagu asteeya dadka uu magacoodu ka bilaawdo in ay yihiin awood buuxda oo u gooni taasoo ay wax ku maamulaan sidoo kale waxa lagu qeexa dad (Romantic ah) oo cabiri karo jaceylkooda waxaa si deg deg ah u saameeyaa waxkastoo loo bandhigo ayagoona kugu raacaayo.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

HOW TO ADDRESS FOOD-SUSTAINABILITY CHALLENGES IN SUB-SAHARAN AFRICA

Despite its huge agricultural potential, Africa spends around US$35bn each year on food imports. This number may rise above US$110bn by 2025 due to rapid population growth, changes in dietary habits and the increasingly severe impacts of climate change. The lack of food sustainability, as well as food and nutrition insecurity in sub-Saharan Africa, is likely to aggravate unless bold action is taken on six key issues. The need to boost farming productivity First, smallholder farmers’ productivity has to rise significantly, as a large majority of Africans rely on agriculture for their livelihoods. African crop yields are amongst the lowest in the world due to poor seeds and degraded soils, a lack of fertiliser and other essential inputs, and insufficient mechanisation and transport infrastructure. A shift from farming as a subsistence activity to farming as a business is needed and has to be matched with the right set of policies, institutions and investments. Encou...

Qalin qiima dhacay!

Wakhtigan casriga ahee la joogo waxaa la yidhaa waa wakhtigii horumarka iyo ilbixnimada maanta aduunyadu waxay maraysa in la yidhaa waa hal tuulo amahal xaafad oo kale( global village ) waxaana keenay horumarka laga gaadhay aqoonta iyo teknoolijiyada casriga ah.  Inagoo og muhiimada waxbarashadu ama taclintu u leedahay aadamaha waxaan odhan karna   waxbarashadu waa halbeega lugu cabiro marka la eegayo   bulsho horumarkeed haday tahay xag dhaqaale iyo maamul iyo xag bulshaba waxaa la eega heerkay tacliinta ka gaadhayn. waxbarashadu waa mid ka mida halbeega(tools)Aad ku badeli karto qofnimadada iyo qoomiyadada iyo qarinimadada, waana shay ku sahlaya in aad si fudud ula jaan qaado dhammaan qaybaha kala duwan bulshadda. Waxaan ognahay tacliintu qiimaha ay leedahay in (RABI) kooreye inoogu sheegay quraankayna kariimka ah “miyay siman kuwa wax bartay iyo kuwa aan waxba baran” markaa waxbarashadu muhimad gaara ayay inoo leedahay diiniyan. Haddaba marka la eego...